Posts

Showing posts from February, 2026
WAA MAXAY SOON AMA RAMADAAN ???? Soonku waa mid waajib ku ah dhamaan dadka Muslimka ee qaangaadhka ah, marka laga reebo qofka xanuusan, kan safar ku jira, qof ka da'da ah ( gaboow ), dumarka uurka leh, dumarka naaska nuujinaya, dumarka dhiiga leh. Sida ku xusan taariikhda Islaamka, soonka bisha Ramadaan waxaa waajib (wājib) laga dhigay sanadkii labaad ee Hijrada, wakhtigaasi oo dadka Muslimiinta ahaa ka soo qaxeen magaalada  Makka  ayagoo u socda magaalada  Medina . Fadliga Bisha Ramadaan Quraanka  iyo  Axaadiista  ayaa aad uga hadlay bisha Ramadaan iyo ajarka ku jira qofka guta tirkaan soonka ah. Fadliga bisha ramadaan waxaa ka mida in la furo albaabada  jannada  lana xiro albaabada  naarta , lana xirxiro  shayaadiinta  inta waaweyn, taasoo muslinka u sahlaysa inuu ka fogaada macaasida allena ugu dhawaado cibaadooyinka suuban iyo daacooyinka u dhawaynaya jannada kana fogeynay naarta. Nabi Muxamed  (ﷺ) waxaa laga wariya...