WAA MAXAY SOON AMA RAMADAAN ????
Soonku waa mid waajib ku ah dhamaan dadka Muslimka ee qaangaadhka ah, marka laga reebo qofka xanuusan, kan safar ku jira, qof ka da'da ah (gaboow), dumarka uurka leh, dumarka naaska nuujinaya, dumarka dhiiga leh.
Sida ku xusan taariikhda Islaamka, soonka bisha Ramadaan waxaa waajib (wājib) laga dhigay sanadkii labaad ee Hijrada, wakhtigaasi oo dadka Muslimiinta ahaa ka soo qaxeen magaalada Makka ayagoo u socda magaalada Medina.
Fadliga
Bisha Ramadaan
Quraanka iyo Axaadiista ayaa
aad uga hadlay bisha Ramadaan iyo ajarka ku jira qofka guta tirkaan soonka ah.
Fadliga bisha ramadaan waxaa ka mida in la furo albaabada jannada lana
xiro albaabada naarta,
lana xirxiro shayaadiinta inta waaweyn, taasoo muslinka u sahlaysa
inuu ka fogaada macaasida allena ugu dhawaado cibaadooyinka suuban iyo
daacooyinka u dhawaynaya jannada kana fogeynay naarta.
Nabi
Muxamed (ﷺ) waxaa laga wariyay inuu yiri:
“Habeenka
u horeeya Ramadaan waxaa la xirxiraa shayaadiinta iyo kuwa jinka ugu madaxa
adag, albaabada naarta waa la xiraa, oo waxba lagamna furo, albaabada jannadana
waa la furaa oo midna lagama xiro, mid dhawaaqa ayaa dhawaaqaya isagoo
leh: "ninka khayr doonayow soo jeeso, ninka shar doonayow jooji
sharta."
Ilaahay wuxuu
leeyahay kuwa naarta laga xoreeyo, arinkaasna wuxuu dhacayaa habeen walba oo ka
mida habeenada Ramadaan.”
(«إِذَا
كَانَ أَوَّلُ لَيْلَةٍ مِنْ شَهْرِ رَمَضَانَ صُفِّدَتِ الشَّيَاطِينُ وَمَرَدَةُ
الْجِنِّ، وَغُلِّقَتْ أَبْوَابُ النَّارِ، فَلَمْ يُفْتَحْ مِنْهَا بَابٌ، وَفُتِّحَتْ
أَبْوَابُ الْجَنَّةِ فَلَمْ يُغْلَقْ مِنْهَا بَابٌ، وَيُنَادِي مُنَادٍ: يَا بَاغِيَ
الْخَيْرِ أَقْبِلْ، وَيَا بَاغِيَ الشَّرِّ أَقْصِرْ . وَلِلَّهِ عُتَقَاءُ مِنَ النَّارِ،
وَذَلكَ كُلُّ لَيْلَةٍ»)
~Waxaa
wariyay ibnu Maajah
Sidoo
kale bisha Ramadaanka waxaa la soo dajiyay Kitaabka Qur'aanka waana
bil barakysan oo dadka Muslinka u ah waqti aad ugu talo galaan, waa bil dambi
dhaaf leh ajarkeedana u ka badanyahay ajarka bilaha kale la sameeyo, waa bil la
aqbalo ducooyinka.
Aayad ku
jirta suuratul Baqra ayaa leh:
(شَهْرُ
رَمَضَانَ الَّذِي أُنْزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِنَ الْهُدَى
وَالْفُرْقَانِ فَمَنْ شَهِدَ مِنْكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَنْ كَانَ مَرِيضًا
أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ
وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُوا الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُوا اللَّهَ
عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ Aya-185.png وَإِذَا سَأَلَكَ عِبَادِي
عَنِّي فَإِنِّي قَرِيبٌ أُجِيبُ دَعْوَةَ الدَّاعِ إِذَا دَعَانِ فَلْيَسْتَجِيبُواْ
لِي وَلْيُؤْمِنُواْ بِي لَعَلَّهُمْ يَرْشُدُونَ)
Intaas waxaa dheer in bisha barakaysan ee Ramadaan ku jirto habeenka ugu weyn sanadka, taasi oo ah habeenkii Quraanka Kariimka la soo dajiyay, waa habeenka Laylatul Qadar oo ka khayr badan kun bilood.
Allah
wuxu yiri subxaanahu watacaalaa:
(إِنَّا
أَنْزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةِ الْقَدْرِ)
Ficilka iyo Xarakaadka
Ramadaanku waa bisha deeqsinimada iyo khayr falka, iyo wanaaga, waa bisha quraan akhriska la badiyo, oo taraawiixda iyo Tahajudka lagu nooleeyo habeennadeeda, waabisha sadaqada la badiyo sabarkana lagu barto maadaama laga soomayo waxyaabaha naftu jeceshahay oo ay ka midyihiin cunnada cabidda iyo u tagidda cidaha, sabarka ayaan ka muuqan meelaha kale sida uu uga muuqdo soonka, saas daraadeed culumadu waxay yiraahdaan soonku waa sabarka iyo dulqaadka badhkii, Abaal marinta dulqaadkana waa Jannada, ilaahay wuxuu yiri: (قُلْ يَا عِبَادِ الَّذِينَ آَمَنُوا اتَّقُوا رَبَّكُمْ لِلَّذِينَ أَحْسَنُوا فِي هَذِهِ الدُّنْيَا حَسَنَةٌ وَأَرْضُ اللَّهِ وَاسِعَةٌ إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُمْ بِغَيْرِ حِسَابٍ) waxaad ku tiraahdaa Adoomadayd i rumeeyayoow Rabbigiin ka dhowrsada kuwa wanaagsanaada aduunkaan waxay leeyihiin wanaag, ilaahay dhulkiisu waa balaadhanyahay, in kale maahee kuwa sabra waa loo oofinayaa abaal marintooda xisaab la'aan.
Comments
Post a Comment